R/wasaaraha cusub ee Masar Kamaal Ganzuuri ayaa ka codsaday shacabka Masar in ay xukuumaddiisa siiyaan waqti ay wax kaga badasho xaaladda murugsan ee dalka.

Qaahira, Nov, 26 ? Kamaal Ganzuuri R/wasaaraha cusub ee dalka Masar ayaa sheegay in aanusan magacaabayn xukuumad cusub tan iyo maalinta isniinta ah ee soo socota, xilligaasi oo lagu wado in doorashada baarlamanka ay dalka ka qabsoomaan.

Banaanbaxayaasha fagaaraha Taxriir ee magaalada Qaahira ayaa iyagu dalbanaya in dib loo dhigo doorashooyinka baarlamanka ee dalkaaasi oo sida qorshuhu yahay lagu wado in ay dhacaan maalinta isniinta ah ee asbuucan gudihiisa ah.

In ka badan 40 qof ayaa ku dhimatay banaanbaxyadii rabashadaha watay ee ka dhacayey dalkaasi Masar tan iyo asbuucii hore, waxana militerigu dhowaan raali-gelin ka bixiyeen dilka dadkaasi rayidka ah, iyadoo rabshdahaani noqonayaa kuwii ugu xumaa tan iyo markii la riday nidaamkii Maxamed Xusni Mubaarak.

Mudaharaadayaasha ayaa dalbanayey in la xukunka ka degaan maamulayaashii militeriga ee dalka, islamarkaana la dedejiyo wareejinta awoodda ee militeriga ee dalka Masar.

Wararka maanta oo sabti ah laga helayo magaalada Qaahira ee dalkaasi Masar ayaa sheegaya in xaalada fagaaraha Taxriir ay aad u degantahay xaaladeedu, waxaana wararku tibaxaayaan in arrimuhu ay u muuqdaan in ay si caadi ah ku soo noqonayaan.

C/rashiid Muuse Siciid
Radio Daljir Boosaasso.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com