RW xasan Cali Khayre oo u duulay Dalka Switzerland

RW xasan Cali Khayre oo u duulay Dalka Switzerland

Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay magaalada Geneva ee dalka Switzerland,isagoo ka qeyb gali doona shirka dhaqaalaha adduunka oo halkaasi k furmi doona dhawaan.

Waxaa ka qeyb geli doona Shirkaasi Madax ka socota Dowladaha Afrika qaarkood, iyadoo shirkaasi diiradda lagu saari doono horumarinta dhaqaalaha adduunka iyo sidii loo taageeri lahaa dalalka soo koraya oo Soomaaliya ay ku jirto.

Mudane Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu kulamo gooni gooni ah uu la yeesho Madaxda ka qeyb galeysa shirkan.

Shirkani ayaa u muuqda in uu muhiimad gaar ah uu u leeyahay Soomaaliya,maadaama ay ka qeybgalayaan hoggaamiyaal ka kala socoda wadamada ku horumaray dhinaca Dhaqaalaha oo uu kujiro Mareykanka,waxaana lagu casuumay Soomaaliya iyo wadamo kale oo Afrika kamid ah qaar kood.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com