RW Xasan Cali Khayre oo la Kulmaya Masuuliyiinta Turkiga

RW Xasan Cali Khayre oo la Kulmaya Masuuliyiinta Turkiga

Ra’isul-wasaaraha Xukuumadad Federalka Somalia, Xasan Cali Kheyra oo maalintiisa 2-aad booqasho ku jooga dalka Turkiga ayaa la filayaa inuu maanta la kulmo dhigiisa dalkaasi, Ben Ali Yildirim.

Qoraal uu Ra’isul-wasaare Kheyre soo dhigay Bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay inuu maanta la kulmi doona Ben Ali Yildirim, kana wada hadli doonaan qaababka loo xoojinayo xiriirka Somalia iyo Turkiga iyo sidii ay Dawlada Turkigu uga qeyb qaadan lahayd horumarka Soomaaliya ka socda iyo La-dagaalanka Alshabaab.

Dhinaca kale, Ra’isul-wasaare Kheyre waxa u qorsheysan inuu booqdo Isbitaalladda ay ku jiraan dadkii ku dhaawacmay Qarixii bishan 14-dii ka dhacay Isgoyska Zoope ee maagalladda Muqdisho.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com