RW Saacid ? waxaan soo afjari doonaa dhowaan qul-qulatooyinka ay Al-shabaab dalka ka waddaan?

Muqdisho, July 29, 2013 – Ra?isal wasaaraha dowladda Soomaaliya mudane Cabdi faarax shirdoon (Saacid) ayaa ka hadlay xaalada amaan xumo ee dalka, xili weeraro is-miidaamin ah iyo kuwa kale oo toos ah ay ka dheceen qeybo ka mid ah dalka intii lagu jiray bisha Rammadaan.

Mudane Saacid wuxuu sheegay in dowladdiisa ay dadaal dheer u gelayso in gebi ahaanba la soo afjaro kooxda Al-shabaab, kuwaasi oo uu ra?isal wasaaruhu ku sheegay in ay yihiin nabbad diid Argagixiso ah oo aan rabin xasilooni ay hesho Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in xukuumadiisa ay qaadi doonto talaabooyin waa weyn oo looga hortegayo weerarada kooxda, kuwaasi oo ay hay?adaha amniga u fulin doonaan si dhaqso ah maalmahan.

Ra?isal wasaaruhu wuxuu sheegay in kooxdaasi ay ku fashilantay weeraro dhowr ah oo ay damacsanayd dhowrkii maalmood ee ina dhaafay, halka kuwa kalena ay fuliyeen, wuxuuse balan-qaaday in weeraradaasi aysan waxba u dhimi doonin qorshaha horusocod ee dhanka amniga iyo horumarinta ah ee dalku ku talaabsaday.

Dhowrkii habeen ee ina dhaafay waxaa muqdisho ka dhacay shirar is daba joog ah oo ay qaateen saraakiisha iyo madaxda xukuumada, waxaana la dejiyey qorshe lagu sugayo amniga guud ee magaalada caasimada ah iyo degmooyinka kale ee dhibaatooyinku ka jiraan.

?

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com