RW Rooble oo soo dhaweeyay soo gudbinta liiska Musharaxiinta Xildhibaanada Aqalka Sare

RW Rooble oo soo dhaweeyay soo gudbinta liiska Musharaxiinta Xildhibaanada Aqalka Sare

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland ku bogaadiyay soo gudbinta Liiska musharixiinta xildhibaanada aqalka sare ee Baarlamaanka dalka.

Mr Rooble ayaa yiri “Waxaan madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo Guddiga Doorashada Jubbaland ku bogaadinayaa soo gudbinta Liiska musharaxiinta Aqalka Sare ee BFS iyo shaacinta jadwalka doorashada”/

“Doorashadu way bilaabatay, Dowlad-goboleedyada kalena waxaan ku boorrinayaa in ay dedejiyaan qabashada doorashada” ayuu hadalkiisa sii raaciyay ra’iisul wasaaruhu.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa maanta soo gudbiyay liiska Musharaxiinta ilaa 4 kursi kuwaas qeyb ka ah Kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com