RW Rooble oo shir deg deg ah isugu yeeray madaxda dowlad gobaleedyada

Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku casuumay madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka.

Shirka Sabtida ka dhacaya Muqsisho, kaas oo la isaga wareysanayo howlihii ka qabsoomay arrimaha doorashooyinka tan iyo heshiiskii 27-kii May iyo dardar gelinta shaqooyinka harsan.

Kulankaan ayaa lagu waddaa in ay kasoo qeyb galaan dhammaan Madaxda maamulada , waxaana loogu gaari doona Arimo muhiim ah.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa soo baxayay in Madaxda maamulada qaarkood ay waddaan dadaallo ay ku doonayaan in hal magaalo lagu soo koobo doorashooyinka maamul goboleedkaste.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com