RW Rooble oo kala hadlay Madaxda Madasha Wadatashiga Qabashada Doorashada Aqalka Sare

RW Rooble oo kala hadlay Madaxda Madasha Wadatashiga Qabashada Doorashada Aqalka Sare

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble oo habka fogaan aragga kula shiray Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka.

Afhayeenka xukuumada Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa sheegay in kulankan uu ku booriyay Ra’iisul Wasaaraha Madaxda Madasha Qaran in ay sida ugu dhaqsaha badan u qabtaan doorashada aqalka sare, maadaama maanta ay ku ekeyd xilligii loo qabtay in la bilaabo doorashada Aqalka Senetka

Kulankan ayuu sheegay afhayeenku in Madaxda ayaa isla qaateen in la dardar geliyo doorashada Golaha Aqalka Sare ee BFS.

Dhinaca kale Golaha Wadatashiga Qaranku waxa ay madaxweynaha iyo bulshada Galmudug ku bogaadiyeen howlgallada lagula dagaallamayo argagixisada Alshabaab ee Ciidammada Qaranku ka wadaan Galmudug, iyagoo u muujiyay in ay taageero hiil iyo hooba leh la garab taagan yihiin.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com