RW Rooble oo amray dardargalinta Arrimaha doorashooyinka

HomeWararka

RW Rooble oo amray dardargalinta Arrimaha doorashooyinka

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha C/xakiim Xasan Ashkir u xil saaray dardar gelinta

Barakacayaasha Cabudwaaq oo Dalbaday in la Caawiyo (dhegayso)
QM oo war ka soo saartay diyaarad ku burburtay Koonfur Galbeed
kenya oo soo bandhigtay xarun lagu tababari jiray Alshabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha C/xakiim Xasan Ashkir u xil saaray dardar gelinta howlaha doorashooyinka.

C/xakiin Ashkir ayaa waxaa uu mas’uul ka noqon doonaan howlaha isku xirka iyo wada shaqeynta Xukuumadda, dowlad Goboleedyada iyo Hey’adaha Caalamiga howlaha la xiriira habsami u socodka doorashooyinka.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa maalmo ka hor ku dhawaaqay in la guda galayo howlaha doorashooyinka, si loo hirgeliyo doorashooyinka.

Is mari waa xooggan ayaa ka taagan doorashada Soomaaliya, iyadoo weli lagu muransan yahay guddiyada doorashada iyo qaabka loo wajahayo, waxaana si weyn uga soo horjeeda dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland iyo Musharaxiinta Madaxweynaha ee fadhigooda yahay Muqdisho.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: