RW ku-Xigeenka XFS oo ka tacsiyeeyay geerida Avv Gabyow.

Ra’iisul Wasaare ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa uga tacsiyeeyay qoyskii, ehelada, iyo dadka Soomaaliyeed uu ka geeriyooday Marxuum Avv Maxamed Sheekh Gabyow, asagoona Alle uga baryey inuu naxriistiisa jano siiyo.

“Inaali laahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun, Waxaan ka tacsiyadaynayaa geerida ku timid Qareen Maxamed Sheekh Gabyoow oo ku geeriyooday dalka Ingiriiska kaasoo dalkiisa iyo dadkiisa u soo shaqeeyay muddo badan, waxaana lagu xusuusan doonaa aqoonta iyo khibrada uu u lahaa sharciga, sidoo kale qoriddii dastuurki 1aad ee dalkeena uu yeesho iyo kamid noqoshadii Baarlamaankii 60kii oo uu door wanaagsna ku lahaa”.

Marxuumka samir iyo iimaan Alle ha inaga wada siiyo Janadii Fardowsna Allaha ka Waraabiyo.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com