HomeUncategorized

RW ku xigeenka Soomaaliya oo Booqday qaar kamid ah wasaaradaha dowladda Soomaaliya

Sabti, Luuliyo 04, 2015 (Daljir) —Ra\'iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte, ayaa booqashooyin ku soo kala bixiyey Wasaaradaha Arrimaha Dibadda, Qorshaynta, Caafimaadka, Batrooolka iyo Wasaaradda Maaliyadda, si loogu kuur galo habsami u socodka shaqada iyo si uu ugu dhiiri galiyo howl wadeenada Wasaaradahaas iney laba laabaan shaqooyinka muhiimka ah ee horyaala.

DHAGAYSO: Barnaamijkii Saaka iyo Dunida_Arbaco_05
Gaashaandhiga Soomaaliya Oo iclaamiyey in mushaarka ciidanka Dowlada si joogta ah loo bixin doono
Al-shabaab oo amarro ku soo rogay goobaha ay gacanta ku hayaan ee magaalada Muqdisho. [Akhris …]

Sabti, Luuliyo 04, 2015 (Daljir) —IRa\’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte, ayaa booqashooyin ku soo kala bixiyey Wasaaradaha Arrimaha Dibadda, Qorshaynta, Caafimaadka, Batrooolka iyo Wasaaradda Maaliyadda, si loogu kuur galo habsami u socodka shaqada iyo si uu ugu dhiiri galiyo howl wadeenada Wasaaradahaas iney laba laabaan shaqooyinka muhiimka ah ee horyaala.

Ra\’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa ugu horayntii booqday Wasaardda Arrimaha Dibadda oo ay dhismaha wada dagan yihiin Wasaarada Qorshaynta iyo Wasaarada Caafimaadka, waxaana uu kulamo la qaatay wasiirada iyo agaasimayasha wasaaradahaas, isagoona mid-mid u booqday xafiisyada shaqaalaha oo xiligaas ku guda jiray shaqadoodii maalin laha ahayd.

\”Waxaan maanta booqday 5 wasaaradood, ujeedkuna waa ka warqabida habsami u socodka shaqada iyo u kuurgalida duruufaha adag ee ay ku shaqeeyaan shaqaalaha dowladda, waxaana runtii iig muuqatay shaqaalaha niyad sami iyo fir fircooni, taasna waxay dhiiri galinaysaa in la hormariyo hay\’adaha dowladda, kormeerkan hadda ka dib wuxuu noqonayaa mid joogta ah,. waxaan halkan amaan uga soo jeedinayaa ciidamada kala duwan ee qalabka sida oo intii aan ku jirnay kormeerka si wanaagsan
amniga u sugayey\” ayuu yiri RW ku xigeenku.

Dhanka kale intii uu ku guda jiray kormeerka wuxuu ka dhagaystay warbixino Wasiiradda iyo Agaasimayaasha Wasaaradaha, waxayna u soo gudbiyeen Ra\’iisul Wasaare ku xigeenka duruufaha ka jira wasaaradahooda iyo horumarada ay sameeyeen. Ra\’iisul Wasaare ku xigeenku wuxuu balan qaaday inuu la tashi kala samaynayo sidii wax looga qaban lahaa cabashooyinka ka jira golaha wasiiradda, warbixina ka siinayo waxyaalaha uu ku soo arkay wasaaraddaha oo qaarkood ku shaqeeya dhismayaal ay leeyihiin wasaarado kale.
 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: