RW ku xigeenka DFS oo shir ka furay Muqdisho

RW ku xigeenka DFS oo shir ka furay Muqdisho

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS)، mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar)، oo maanta guddoomiyay shirka horumarinta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya (SDRF) ayaa daah-furay siyaasadda Qaran ee Daryeelka Bulshada.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa munaasabadda furitaanka ka sheegay in siyaasadaani ay qayb muhiim ah ka tahay daryeelidda bulshada Soomaaliyeed oo baahi weyn u qabay siyaasad iyo mabaadii’i lagu hago daryeeliddooda.

Mudane Mahadi Maxamed Guuleed Khadar ayaa wasiirka wasaaradda iyo shaqaalaha iyo howl-wadeennada wasaaradda shaqada iyo arrimaha uga mahad celiyay dadaalka ay geliyeen diyaarinta siyaasadda qaran ee daryeelka Bulshada.

Golaha wasiirrada ayaa bil ka hor meel mariyay siyaasadda Qaran ee Daryeelka Bulshada ee maanta la daah-furay waxa ayna qayb ka tahay siyaasado kale oo xukuumaddu meel marisay oo loogu adeegayo ummadda Soomaaliyeed.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com