RW ku xigeenka DFS oo guddi u magacaabay dadki ku waxyeelobay Qarixii Muqdisho

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa magacaabay guddi ka kooban wasiiro Iyo maamulka Gobolka Banaadir, oo ka shaqeyn doona sidii gurmad deg deg ah loogu fidin lahaa dadkii ay dhibaatadu ka soo gaartay qaraxii maanta ka dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir.

Hoos ka akhriso guddiga la magacaabay

Ujeedo: Magacaabis Guddiga Masiibadii ka dhacday Xarunta Gobolka Banaadir 2019-07-24

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Mohammed Gulaid Khadar ayaa magacaabay guddi ka kooban Wasiiro Iyo Maamulka Gobolka Banaadir, kuwaas oo ka shaqeyn doona sidii gurmad deg deg ah loogu fidin lahaa dadkii ay dhibaatadu ka soo gaadhay qaraxii Maanta ka dhacay xarunta dawladda ee gobolka Banaadir

Magacyada Guddiga

1 Cabdi Canshuur Xassan Wasiir Guddoomiye
2 Cabdullahi Bidhaan Warsame Wasiir G. ku xigeen
3 Khadiija Maxamed Diiriye Wasiir Xubin
4 Axmed Cabdi Kaariye Wasiir Xubin
5 Maxamed Xayir Ibraahim Wasiir ku xigeen Xubin
6 Saalax Axmed Jaamac Wasiir Xubin
7 Xil. Maxamed Axmed Xildhibaan Xubin
8 Xil. Maxamed Axmed Xildhibaan Xubin
9 Xil. Cumar Waabari Xildhibaan Xubin
10 Maxamed Aadan Jimcaale(koofi) Taliye Xubin
11 Axmednur Maxamed Cabdi Xoghaya X. Ra’iisul Wasaaraaha Xubin
12 Maxamed Cabdullahi Tuulax G. amniga iyo siyaasada gobolka Xubin
13 Ibaahim Cumar Mahad Alla G, ku xigeenka Gobolka Banaadir Xubin
14 Cabdi Baaruud La Taliye Xubin

Ra’iisul Wasare Ku-xigeenka JFS
Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar)


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com