RW Khayre “Waa laga soo gudbay waqtigii Ajaanibta na dhex dhexdhexaadin jirtay”

RW Khayre “Waa laga soo gudbay waqtigii Ajaanibta na dhex dhexdhexaadin jirtay”

Raysal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa ka jawaabay shuruuddii kasoo baxday madaxda dowlad goboleedyada ee wada hadal ay la galaan dowladda dhexe oo ay shuruud uga dhigeen goob ammaan ah iyo dhinac sadexaad oo ay u gar dhiibtaan.

Raysal wasaaraha ayaa sheegay inaanu garanayn cidda loogu danaynayo inay ajnabi dhexdhexaadiso khilaafka dowladda iyo dowlad goboleedyada, isagoona sheegay in laga soo gudbay waqtigii ajnabiga uu dhex dhexaadin jiray dhinacyada siyaasadda Soomaaliya, waxaana dhanka kalle uu sheegay in magaalada Muqdisho ay tahay magaalo ka dhaxaysa umadda Soomaaliyeed.

“Waxaa soo dhoweyneynaa in wax walba oo dalka ka jira siyaasad ahaan wixii tabasho ah la isku tanaasulo, iyadoo loo daneynayo dadka Soomaaliyeed, balse waxaan soo dhoweyneyn in la yiraahdo magaalo madaxda dalka laguma shiri karo oo amni ma ahan, ma garanayo cida loogu daneynayo,laakiin waxaa rabaa inaan xusuusinayo cid walba oo ka suurtoodo inay sidaas tiraahdo, inay tahay astaanta qaranka, magaalo aan qolo laheyn, waa magaalo Soomaaliyeed, magaalo madaxda qaranimada Soomaaliya, “ayuu si kulul u yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com