RW khayre oo xalay Casho sharaf sagootin ah lagu sameyeey Baydhabo.(Daawo)

RW khayre oo xalay Casho sharaf sagootin ah lagu sameyeey Baydhabo.(Daawo)

-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, oo ka qayb galay musaanabad sagootin ah oo wafdiga uu hoggaaminayo loogu sameeyay magaalada Baydhabo, ayaa bulshada Koonfur Galbeed ku ammaanay isku-duubnida, dowlad jaceylka, ka shaqeynta danta guud, iyo soo celinta sharafka iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sheegay maalmihii uu joogay magaalooyinka Xudur iyo Baydhabo, in uu wax badan ka ogaaday adkeysiga, wadajirka iyo dowlad jaceylka bulshada Koonfur Galbeed, arrintaasina ay ku dhiirri gelineyso madaxda qaranka in laba jibbaaraan shaqada bulshada loogu adeegayo si looga dhabeeyo rejada wanaagsan ee shacabku ka qabaan soo kabashada nimaadka dowladnimo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa caddeeyay in dowladda federaalku ay kala ka shaqeyneyso dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed, fulinta mashaariic horumarineed iyo xoreynta deegaannada cadawgu ku suganyahay, si dhammaan deegaannada loo gaarsiiyo adeegyada aasaasiga u ah nolosha bulshada.

Mudane Xasan Cali Khayre oo muda todobaad ah ku sugnaa deegaannada Koonfur Galbeed ayaa la kulmay bulshada qaybaheeda kala duwan oo uu ka dhageystay baahiyadooda, waxa uuna dhagax dhigay mashaariic horumarineed, isaga oo bixiyay lacago lagu horumarinayo garoomada kubadda cagta ee Dr. Ayuub iyo Dr. Waaberi ee magaalooyinka Baydhabo iyo Xudur.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com