RW Khayre oo u tacsiyeeyay qoyskii uu ka geeriyooday Wasiir ku xigeenkii Wasaarada Shaqaalaha

HomeWararka

RW Khayre oo u tacsiyeeyay qoyskii uu ka geeriyooday Wasiir ku xigeenkii Wasaarada Shaqaalaha

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa u tacsiyeey qoysaskii uu ka geeriyooday Wasiirkii Shaqada iyo Arimaha Bulsh

Weriye Axmed Cali Kilwe: “Sharcidarro ayaan ku Xirnaa Facebook-na Faafreeb Maleh” (dhegayso)
Ciidamada dowladda oo kaabiga ku haya degaanka Runirgood & howlgallo socda
War-murtiyeedka Shirka Iskaashiga Dowladaha Puntland iyo Galmudug. (dhegayso|Daawo)

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa u tacsiyeey qoysaskii uu ka geeriyooday Wasiirkii Shaqada iyo Arimaha Bulshada iyo dhammaan dadkii ay ka dhinteen dadkii lagu diley weerarkii saaka ay ku qaadeen ururka Al-Shabaab wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed ee ku dhintay weearka argagaxiso waxa uu ugu duceeyay in Allaha uu jannadii geeyo eheledii iyo asaxaabtii ay ka bexeenna samar iyo iimaan uu ka siiyo.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa tacsi gaar ah u diray qoyskii uu ka geeriyooday Wasiir ku-xigeenkii Wasaarradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada, Saqar Ibraahim Cabdalla oo kamid ahaa dadkii ku dhintay weerarka, waxa uuna dhammaan dadka ku dhaawacmay u rajeeyay in Allah uu siiyo caafimaad deg deg ah.

Wasiirka Koowaad ee xukuumadda ayaa ballan qaaday in dawladda Soomaaliyeed ay sii wadi doonto dagaalka ay kula jirto kooxaha argagaxisada ilaa laga tirtirayo jiritaankooda si ummadda Soomaaliyeed ay ugu noolaato nabad buuxda

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: