RW Khayre oo Kulan Muran Dhaliyey la Qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda Sucuudiga

RW Khayre oo Kulan Muran Dhaliyey la Qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda Sucuudiga

Wasiirka Arrimaha Dibada Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Adel al-Jubeir, iyo RW Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa kullan gaar ah ku yeeshay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Kulankaan oo saxaafadda dibad ka joog ka aheyd ayaa socday mudo saacad ku dhow, waxa laga wada hadlayna waxaa ugu muhiimsanaa xiisada khilaafka Carbeed ee Sacuudiga huggaaminaayo, kaas oo Soomaaliya ay isu muujisay inay beri ka tahay.

Warar hoose ayaa sheegaya in Adel al-Jubeir uu ku soo qaaday RW Xasan Cali Kheyre wax ka badalka siyaasadda Soomaaliya ka istaagtay go’aanka dhexdhexaadnimada, iyada oo uu wasiirka arrimaha dibada mar kale ku celiyay balanqaadyo malaayiin dollar ah, Soomaaliyana looga baahan in ay caddeyso sida ay u taageersan tahay xulufada Sacuudiga.

Kulaankaan oo warbaahinta dowladda ka hadlin iyo ra’iisul wasaarahaba ayaa wararka aan heleyno sheegayaan in uusan jirin wada tashi u dhexeeyey Kheyre iyo madaxweyne Farmaajo. Kheyre ayaa siyaasad ahaan aaminsan in Soomaaliya ay raacdo xulafada Sacuudiga, halka madaxweynaha uu ku adkeysanayo inay dhexdhexaad ka noqdaan.

Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com