RW Khayre oo kulan la qaatay Wasiir ku xigeenka Arrimaha dibadda Maraykanka

Ra’isalwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa kulan la qaatay Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda Dalka Mareykanka John Sullivan.

Kulanka oo ka dhacay Magaalada Washington ee dalka Mareykanka ayaa waxaa ay uga wada hadleen xiriirka labada dal,horumarka iskaashiga,dowlad wanaagga iyo la dagaallanka Argagixisada.

Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa boggeeda Twitter-ka ku shaacisay kulanka dhexmaray Ra’isalwasaaraha Soomaaliya iyo wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Mareykanka.

Mareykanka ayaa sanadkii hore qeyb ka mid ah kaalmada Milatari ka jaray dowladda Federaalka ah kaddib markii lagu eedeeyay Ciidamada dowladda qeyb ka mid ah in ay qaab beeleed u diyaarsanyihiin.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com