RW khayre oo kulamo kawadda Kismaayo

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay ku hoyday Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose halkaas oo uu shalay gaaray, waxaana uu ka wadaa kulamo gooni gooni ah.

Kheyre ayaa xalay waxa uu kulan horudhac ah la qaatay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe, iyaga oo ka wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin doorashada Bisha soo socota ee Agoosto la filayo inay ka dhacdo Jubbaland.

Sidoo kale Xubnaha ka mid ah Wafdiga Ra’iisul Wasaare Xasan Cali kheyre ayaa waxaa ay la kulmeen Mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland, iyaga oo ka wada hadlay sidii loo adkeyn lahaa loona xoojin lahaa wadashaqeynta Dowladda Federalka iyo Maamulka Jubbaland.

Bilihii ugu dambeeyey Maamulka Jubbaland iyo Dowladda Federaalka waxaa ka dhaxeeyey khilaaf xoogan kaas oo gaaray meeshii ugu sareysay, hayeeshee todobaadyadii u dambeysay ay jirtay xoogaa isku-soo dhawaansho taas oo keentay in Kismaayo uu tago Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa la filayaa in Maanta uu kulan la qaato Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ( Madoobe) kaas oo looga hadli doono dhameynta mad madowga la dhexjira Maamulka Jubaland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com