Site icon Radio Daljir

RW khayre oo kormeeray Xeerada Ciidanka DANAB ee Balli doogle (Sawiro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, oo ay weheliyo Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya iyo qaar ka mid ah Saraakiisha ciidanka ayaa booqday Xarunta tababorka Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan ciidamadda sida gaarka ah u tababaran ee (DANAB) oo fadhigoodu yahay deegaanka Balli-doogle.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa ugu horeyn waxa uu Warbixino ka dhageystay Saraakiisha ciidamada eek u sugan Xerada Balli-doogle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Sidoo akle Ra’iisul Wasaare kheyre ayaa waxa uu xariga ka jaray qayb cusub oo lagu soo kordhiyay xarunta tababarka.

Ra’iiusl Wasaaraha oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in booqasgadiisa ay qeyb ka aheyd sidii uu u ogaan lahaa horumarka ay sameeyeen sannadkii lasoo dhaafay Ciidanka XDS – DANAB ee ku sugan halkaas.

Exit mobile version