Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo maanta dib ugu soo laabtay magaaladda Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyay faa’idada ugu jirta Samaliya xubinimada Suuqa Bariga iyo Koonfurta Afrika (COMESA) ee lagu qabtay magaalada Lusaka ee dalka Zambia.
Wuxuu sheegay in xubinnimmada Soomaaliya ee COMESA ay ka qeyb gaadaneyso dib u dhiska dhaqaalaha, horumarinta dalka, maal-gashiga, shaqo abuurka, dhismaha wadooyinka iyo warshadaha, iyo horumarinta adeegyada bulshada oo dhan.
Wariyaha Radio Daljir ee Muqdisho Cabdiraxman waaberi ayaa Muqdisho kaso diray Warbixintan
U dhaaf Halcelis