RW Khayre oo Hambalyo u diray Ciidamada Dowladda oo la wareegay Jannaale

HomeWararka

RW Khayre oo Hambalyo u diray Ciidamada Dowladda oo la wareegay Jannaale

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa taliska Ciidanka Xoogga Dalka ugu hambalyeeyay xoreynta deegaanka

Wafdi ka socda Wasaaradda kaluumaysiga Puntland oo kormeeray degaano dhowr ah (dhegayso)
Madaxweyne Farmaajo oo darajadii Ciidan ka xayuubiyeey Taliyihii hore ee Booliska Gobalka Banaadir
Cabdifataax Xasan Xuseen Walloore oo horay wasiir kuxigeen caddaaladeed oo sheegay in ay jiraan siyaasiyiin xil ku doonaya kala qaybinta bulshada.

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa taliska Ciidanka Xoogga Dalka ugu hambalyeeyay xoreynta deegaanka Jannaale oo kamid ahaa fariisimaha ugu waaweynaa Argagixisada.

“Waxaan bogaadinayaa guusha ciidamadeenna geesiyaasha ah ka soo hooyeen howl-galka Argagaxisada looga dul qaadayay shacabka ku dhaqan Janaale iyo deegaannada ku xeeran. Waad ku mahadsantihiin gudashada waajibaadka idinka saaran ilaalinta dhiigga iyo hantida ummadda Soomaaliyeed”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.

Guusha CXD ayaa ka dhalatay dib-u-habayn iyo tayeyn uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaaraha oo lagu sameeyay qeybaha kala duwan ee ciidamada, taas oo horseedday in taliska ciidanku la wareegaan hoggaanka howlgalka argagixisada dalka looga saarayo.

“Dib-u-habeyntii aan ku sameynay ciidanka, waxay sare u qaadday tayadooda iyo niyaddooda, waxayna soo celisay haybadda qarankeena, taas oo suurtagelisay in cadowga laga sifeeyo dhul ay sanado badan ku sugnaayeen, taas oo qeyb ka ah qorshaha Badbaado ee Al-shabaab dalka looga saarayo”, ayuu Ra’iisul Wasaaruhu hadalkiisa raaciyay .

Howlgalkan oo ka duwan Howl-galladii hore ayaa u jeedkiisu yahay gaarsiinta adeegyada muhiimka ah dhammaan deegaannada cadowga laga xoreynayo, taas oo looga gol-leeyahay inaan argagixisadu dib ugu soo laaban deegaannada laga xoreeyo.

“Si loo hubiyo soo celinta nolosha deegaannada la xoreynayo, howlgalkani waxuu isugu jiraa; Ciidanka Xoogga oo wiiqaya argagixisada, Booliska oo xoreynta kadib la wareegaya amniga, dhismaha maamullada deegaannada iyo hay’adaha kale ee dowladda oo adeegyada aasaasiga ah gaarsiinaya”, ayuu sheegay sidoo kale yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Howlgalka Badbaado 1 iyo Badbaado 2 ayaa qeyb weyn ka qaatay sugidda amniga caasimadda waxaana ciidamda dowladdu la wareegeen dhammaan buundooyinka gobolka shabeellaha Hoose oo argagaxisadu kasoo gudbin jireen gawaarida waaweyn qaraxyada ay kusoo rakibaan.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: