RW Khayre oo Dalka dib ugu soo laabtay Maanta

RW Khayre oo Dalka dib ugu soo laabtay Maanta

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dalka dib ugu soo laabtay kadib booqasho ay ku tageen Magaalada Khartuum ee caasimadda dalka Suudaan.

Khayre ayaa intii uu ku sugnaa dalka Suudaan wuxuu uu goob joog ka noqday saxiixa heshiiska taariikhiga ah ee dhinacyada isku hayay siyaasadda dalka Suudaanta Koonfureed, kuwaas oo dhex-dhexaadin waqti dheer qaadatay kadib isku raacay in ay dhistaan dawlad midnimo qaran oo dhinacyada dhan ay ku qanacsan yihiin, iyadoo Ra’iisul Wasaaraha uu ku amaanay dhinacyada heshiiska saxiixay tanaasulka iyo biseylka siyaasadeed oo ay muujiyeen si ay u badbaadiyaan mawaadiniinta dalkooda, ugana qayb qaataan horumaka gobalka iyo guud ahaan qaaradda Afrika.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulan uu la qaatay Madaxweynaha Suudaan kaga mahadceliyay taageerada dhanka waxbarashada, isaga oo hoosta ka xariiqay in xilli aduunyada inteeda kale ay u arkaysay Soomaaliya rajo aysan lahayn, Suudaan ay garaawsatay in la caawiyo si loo siiyo fursad ay ku soo kabato, waxa uuna sheegay in ardaydii Suudaan wax ku baratay ay ka qayb qaateen dib u dhiska dalka Soomaaliya.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com