RW Hore Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in Xukuumadda Somalia laga sugayo waxka qabashada Ciyaal weerada

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa ka hadlay arrimo ay kamid yihiin magacaabistii Golaha Wasiirada Cusub, xiriirka Soomaaliya & Itoobiya
– Amniga Soomaaliya & in wadahadal lala galo Al-Shabaab.

Cumar Cabdirashiid oo la hadlayay Tv-ga HBN ayaa sheegay in Xukuumadda Cusub ee Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre looga fadhiyo inay la timaado qorshayaal Amni oo ugu horreeyo sugida Amniga Caasimadda.

Wuxuu sheegay in Amniga guud ee dalka uu ku hagaagi karo in marka hore la sugo Amniga Caasimadda lagana hortago weerarada Al-Shabaab iyo Ciyaal weerada dadka waddooyinka ku dilaya.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Cumar Cabdìrashiid oo ka hadlayay magacaabistii Muqtaar Rooboow oo kamid noqday Golaha Wasiirada Soomaaliya ayuu sheegay in ay tahay arein wanaagsan balse loo baahan yahay in dowladda hadda jirta ay uga faa’iideysato sidii dalla looga saari lahaa Al-Shabaab.

Ugu dambeyn Cumar Cabdirashiid Wuxuu sheegay in dowladda cusub ee Madaxweyne Xasan Sheekh ay horyaallaan Shaqooyin uu ugu horreeyo Amniga dalka iyo isku heyta dalalka Gobolka.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com