RW Cumar oo ka warbixiyay Safaro uu Dibadda ugu Maqnaa

Somalia, November 15, 2015 (Daljir) —Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa sh dalka dib ugu soo laabtay, kadib booqasho ay ku tageen dalalka Kenya, Mareykanka iyo Malta. Waxaana kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Muqdisho masuuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda, Saraakiil iyo dadweyne kale.

Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid oo faah-faahin ka bixiyay socdaalkiisa ayaa sheegay in uu ka qeyb galay shirar muhiim u ah Soomaaliy. Isagoo xusay intii uu joogay dalka Kenya uu booqday Xerada ugu weyn Qaxootiga Adduunka ee Dhadhaab halkaas oo kula kulmay dadkii Soomaaliyeed ee daganaa, iyadoo uu xusay R/Wasaaruhu in uu arkay dad Soomaaliyeed u diyaarsan dalkooda in ay dib ugu soo laabtaan.

Dhanka kale R/Wasaaraha ayaa magaalada Nairobi kulan kula qaatay Madaxweynaha dalkaas Uhuru Kenyatta, waxana ay ka wada hadleen xiriirka labada dalka iyo arrimaha Qaxootiga Soomaalida.

“Waxaan booqday Xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab, waxaan u kuurgalnay xaaladdaha ay ku suganyihiin dadkeennu, runtii waxaan halkaas kusoo aragnay dad ay ka go’antahay in ay dalkooda kusoo laabtaan dadkoodana wax la qabsadaan”. Ayuu yiri R/Wasaare Cumar.

Sidoo kale R/Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in magaalada New York ee dalka Mareykanka uga qeyb galay shirka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaas oo looga hadlayay arrimaha Soomaaliya. Waxana shirkaas diiradda lagu saaray Hiigsiga 2016 sidii loo dar dargelin lahaa dhamaystirkiisa, iyadoo dhanka kale Dawladda Soomaaliya lagu ammaanay horumarka ay sameysay muddooyinkii la soo dhaafay.

Ugu danbeyn Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid ayaa sheegay in guul uu ku soo dhamaaday shirkii looga hadlayay yareynta qulqulka muhaajiriinta kasoo tallaabaya badda Mediterranean-ka ee kasoo cararaya faqriga ka jira qaaradda. Iyadoo uu Ra’iisul Wasaaruhu shirka ka soo jeediyey in wax laga qabto sababaha keenaya qulqulka muhaajiriinta.

R/Wasaaraha ayaa sheegay in 28-ka dal ee Qaaradda Yurub ay sannadkiiba bixin doonaan 20-bilyan oo Euro, taasoo lagu caawinayo dalalka Qaarada Afrika. Waxaana dhaqaalahan lagu bixin doonaa mashaariic ay ka mid yihiin tababarro, ganacsiyada yar-yar ee dadka Afrika loo sameynayo, ka hor-tagga cunno yarida, joojinta tahriibka, ka hortagga xajirnimada iyo colaadaha kale.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com