RW Cumar oo Dhex-dhexaadinaya khilaafka Xasan Sheekh iyo Jawaari

Talaado, September 08, 2015 (Daljir) —Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo waraysi siinayey Tvga Universal ayaa ka hadlay Mooshinka kadhanka ah madaxweynaha Soomaaliya, Eedaymaha loohaysto madaxweynaha, Hiigsiha 2016ka iyo wixii u qabsoomay xukuumadda uu hogaamiyo.

Cumar Cabdirashiid ayaa ugu horayn sheegay in mudadii bilaha ahayd ee ay jirtey xukuumadda uu hogaamiyo ay waxbadan qabteen, wuxuuna si gaar ah usoo qaatay dhismaha maamulka Galmudug ee dhowaan lagu yagleelay degmada Cadaado.

Ra’iisul wasaaraha oo wax laga waydiiyey mooshinka kadhanka ah madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay inay arrintaan walaac ka muujinayaan ka xukuumad ahaan, maadaama buu yiri wadanka Soomaaliya uu kusugan yahay xaaladda kala guur siyaasadeed ah.

Dhanka kalena ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in ka xukuumad ahaan ay ka qaybgeli doonaan dhexdhexaadinta Madaxweynaha Soomaaliya iyo xildhibaanadii dhowaan mooshinka ka keenay, kadib soo jeedintii gudoomiyaha barlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Cumar Cabdirashiid oo ka hadlay eedayn madaxweynaha loo jeediyey oo ah dilka 150 ruux ayaa sheegay in arrintaan ay ka horeysey xukuumaddiisa laakiin baaritaan la sameeyey uu muujinayo inuu yahay war aan xaqiiq ahayn, inkastoo uu xusay in xildhibaanadu xaq u leeyihiin wixii cadayn ah inay soo bandhigaan.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid wuxuu cadeeyey in xukuumadda federalka ah ay cadaynayso in xilligaan aysan Soomaaliya ka dhici karin doorashooyin dadweyne, ayse wadaan inay soo gudbiyaan qaabka ay noqonayso doorashada Soomaaliya ee 2016.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com