RW Abiy Axmed oo u yeeray Madaxda Maamulada Soomaalida iyo Canfarta

RW Abiy Axmed oo u yeeray Madaxda Maamulada Soomaalida iyo Canfarta

Raysul Wasaaraha Itoobiya ayaa xafiiskiisa shir degdega ah ugu yeeray maamulka labada deegaan ee SOOMAALIDA iyo CANFARTA oo ay ugu horeeyaan labada Madaxweyne. Waxaa la saadaalinayaa in lagaga wada hadli doona xaalada amni ee xudduuda maamulada Canfarta iyo Soomaalida.

Shirka waxaa kale oo qayb ka ahaa saraakiisa ugu sarreysa ciidamada qaranka iyo masuuliyiinta xafiiska sirdoonka Itoobiya.

Asbuucyadii la soo dhaafay waxaa ciidanka Liyuu Booliska Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS) iyo ciidanka kililka CANFARTA uu dagaal aad u kharaar oo khasaare ba’an geystay ku dhexmaray xudduudka labada deegaan ama KILIL.

Dagaalka ayaa biloowday kaddib markii ciidanka Kililka Canfartu ay asbuuc kahor ku soo duuleen magaalada Garbociise ee gobolka Sitti, kuna laayeen dad shacab ah oo aan waxba galabsan. Dagaalka ay markii danbe ku sii fidey deegaamada Cadayti, Dhundhufo iyo Leensi.

Magaalooyinka dagaalku ka socdo ayaa kamid ah Dowlad Deegaanka Soomaalida, laakiin maamulka Canfarta ayaa sheeganaya in ay magaalooyinku yihiin kuwo kamid ah deegaanka Canfarta.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir DDS

Jigjiga

Bannaanbax balaadhan oo maanta ka dhacay caasimada DDS ee Jigjiga

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com