Ruushka oo qabtay sadex ka mid ah maraakiibta dagaal ee Ukrain

Ruushka oo qabtay sadex ka mid ah maraakiibta dagaal ee Ukrain

Ruushka ayaa sheegay inuu qabtay sadex ka mid maraakiibta dagaal ee Ukrain oo soo galay xeebaha Ruushka uu maamulo ee Crimai, waxaana rasaas ay fureen ciidamada Ruushka ku dhaawacmay dhowr badmaax oo u dhashay wadanka Ukrain, arrintan oo walaac laga qabo dagaal hor leh oo labada wadan ka dhex qarxa.

Ciidamada ammaanka ee Ruushka FSB ayaa sheegay ciidamadooda inay ku wareegayeen badda madow xiligaasi oo lasoo qabtay maraakiibta dagaal ee Ruushka, waxaana ay diideen inay istaagaan.

“Waxaa hubka loo isticmaalay si qasab in lagu joojiyo maraakiibta dagaal ee Yukrain” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay FSB.

Madaxwaynaha Yukrayn Petro Poroshenk ayaa la kulmay madaxda sare ee militariga, waxaana uu xusay inuu gudbin doono baarlamaanka inay qaadaan talaabo militari.

Golaha Ammaanka ee QM ayaa lagu waday inuu kulan ka yeesho hormaro laga gaaray colaaddo dalalka Ruushka iyo Yukrayn oo horay ugu murmay gacanka Karamaay.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com