Ruushka oo ciidankiisa kala baxaya dalka Suuriya

Ruushka oo ciidankiisa kala baxaya dalka Suuriya

Dowladda Ruushka ayaa la baxaysa ciidamadeeda ku sugan wadanka Suuriya, sidaasina waxaa sheegay Wasiirka Gaashaandhigga ee Ruushka Sergei Shoigu.

Go’aankan ayaa yimid kadib booqasho aan la shaacin uu Isniintii uu ku tagay wadanka Suuriya madaxwayne Vladimir Putin.

Mr Putin ayaa go’aankan sidoo kale qaatay sanadkii hore, balse waxaa uu wali militariga Ruushku waday howlgalada militari ee dalka Suuriya ay ka wadaan.

Mar la waydiiyay wasiirka gaashaandhiga Mr Shoigu mudada la eg ay qaadan karto ka bixitaanka ciidamdooda kala baxyaan Suuriya ayuu sheegay inay hadba ku tiirsantahay xaaladda wadanka Suuriya, waxaana intaasi uu ku daray inay haddaba bilaabeen ciidamadooda inay kala baxaan Suuriya.

Ciidamada Ruushka ee dalka Suuriya ku sugan ayaa taageeradooda ugu wayn siiya xukuumadda madaxwayne Bishaar Al-asad oo dagaal kula jira kooxaha islaamiyiinta ee hubaysan iyo kacdoon wadayaasha dowladda doonaya inay meesha ka saaraan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com