Rooble oo shir isugu yeeray madaxda Dowlad gobaleedyada

Rooble oo shir isugu yeeray madaxda Dowlad gobaleedyada

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Madaxda Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ku casuumay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee dhammeystirka Arrimaha doorashooyinka oo 20ka bishan May ka dhici doona Muqdisho.

Kulankaan ayaa looga hadli doona xalinta dhibaatooyinkii ka dhashay Arrrimaha doorashooyinka, waxaana shir gudoomin doona Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Lama ogga sida ay ku aqbali doonaan maamulada goboleedyadda qaar baaqa uu diray Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com