Rooble iyo Qoorqoor oo isbitaalka ku booqday dadkii ku dhaawacmay dagaalkii Wisil

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo uu wehliyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor ayaa isbitaalka ku booqday askar iyo rayid ku soo dhaawacmay weerarkii Al-Shabaab ku qaadeen deegaanka Wisil ee gobolla Mudug.

Ra’iisul Wasaaraha oo isdul taagay dhaawacyada ayaa dhakhaatiirta ka dhageystay warbixinta la xiriirta dhaawacyada, isagoo u rajeeyay caafimaad deg deg ah, waxa uuna uga mahadceliyay sida geesinimada leh ee ay isaga caabiyeen cadowga Al-Shabaab oodeegaankooda soo weeraray.

Dagaalka ka dhacay Wisil aroornimadii Axada ayaa waxaa ka dhashay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac waxaana dadka waxyeeladu ka soo gaartay ka mid ahaa dad rayid ah.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com