Roobkii Gu’ga oo degaano Puntland ka tirsan ka curtyay

Roobkii Gu’ga oo degaano Puntland ka tirsan ka curtyay

iyado Dalka degaanadda Puntland qaybo kamid ah ay kajireen Abaaro xoogan oo dad iyo duunyo sameyaay ayaa Waxaa haatan xalay ilaa shalay Roobki Gu,ga uu ka curtay degaano katirsan Nugaal iyo Mudug.

Magaalooyinka abaartu ka taagnayd ee xalay iyo Saaka roobsaday waxaa kamid ahaa deegaanada hawdka kore ka xigga degmada Buurtinle iyo degmada Jariiban iyadoo ilaa in kabadan 24 Tuulo ay roobsadeen.

Deegaanada Gaalkacyo,Bacadweyne,Galdogob,Bursaalax,Xarfo iyo Buurtinle ayaa dhamaan kamid ah deegaanada qabowsaday ayaa sidoo kale qoboojinta waxaa kala siman tuulooyinka hoostaga.

Dhinaca kale Barigga gobolka Mudug gaar ahaana deegaanada Jariiban,,Mayle,Shakaal,Labilamaane iyo Dhooba Cantuug ayaa kamid ah deegaanadii xalay roobsaday ayaa xalay waxyeelo kasoo gaartay Gabar yar Biriq.

Sido kale Qaar kamid ah deegaanada Barigga gobolka Mudug uu kamid yahay Boocda,Seemadde, Buubi,Mareer iyo Garacad dhamaan deegaanadaasi wax roob ah kama da,in.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com