Roobab mahiigaan ah oo ka curtay deegaano hoostaga Buuhoodle.

Buuhoodle, March 23, Roobabkii Gu’ga ayaa xalay ilaa saaka si wanaagsan uga hooray deegaano hoosyimaada gobolka Cayn iyo nawaaxigiisa.
?
Deegaanada Roobku helay oo u badan Bariga iyo Koonfurta gobolka Cayn ee dhanka Ethiopia ayaa lagu soo waramayaa inay deegaanadaasi heleen roobab lagu diirsaday.
?
Meelaha aad ka u roobsaday ayaa waxaa kamid ah, deegaanada Xamarlaguxidh, Qararo, Goobweyne, Banyaal, Dhalaamacune iyo deegaano kale oo badan.
Sidoo kale deegaano badan oo ay kamid yihiin, Sarmaan, Dhilaali, Dandan iyo meelo kale ayaa laga soo sheegayaa inay heleen roobab fudud oo aan biyo gelin Berkedaha.
?
Roobabkani oo bilow u ah Roobka Gu’ga ayaa u bilowday si xawli ah marka loo eego curashada roobka iyo meelaha uu buuxiyey, dadka ku dhaqan deegaanada roobsaday ayaa aad ugu diirsaday roobkani iyadoo aysan jirin wax khasaare ah oo roobkani ka dhashay.
?
Magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn ayaan lahayn roob badan waxaana subaxnimadii hore ee saaka ku hooray roob tumay ah ama aan biyo dhigin magaalada.
?
Iskusoo wada duuboo roobabkan ka curtay gobolka Cayn ayaa kusoo beegmay xili dadka deegaanku aad ugu baahnaayeen raxmaadka Alle iyadoo biyo ay sii yaraanayeen sidoo kale baadka xooluhu cunaan ee daaqu uu ahaa mid gabaabsi ah.
?
Diiwaanka Wararka
Radio Daljir.
(B)

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com