Robinho oo kufsi lagu helay 9 sanana lagu xukumay (dhegayso)

HomeCiyaaraha

Robinho oo kufsi lagu helay 9 sanana lagu xukumay (dhegayso)

Xubintii Ciyaaraha & cRaxmaan Yameni Ciyaaryahan Robinho oo horay ugu soo ciyaaray kooxaha Real Madrid, Manchester City, iyo AC Milan ayaa lagu

Xubintii Ciyaaraha: Real Madrid oo rajo-dhig ah iyo Arsenal oo soo labakacleysey (dhegayso)
Xubintii Ciyaaraha: Mauro Icardi ma Real Madrid mise …? (dhegayso)
Barnaamijka Ciyaaraha ee Sports News iyo Cabdiraxman Yemani (dhegayso)

Xubintii Ciyaaraha & cRaxmaan Yameni

Ciyaaryahan Robinho oo horay ugu soo ciyaaray kooxaha Real Madrid, Manchester City, iyo AC Milan ayaa lagu helay kiis kufsi wadareed ah oo uu qayb ka ahaa waxaana gadhka loo galiyay xukun sagaal sano ah markii lagu soo cadeeyay danbigan. Robinho ayaa yiri waxaan ahay danbi-laawe, waana isdifaacayaa laakiin aan ka caddeeyo in aanan danbigaas qayb ka aheyn. Robinho ayaa hadda qaatay racfaan, waana maxkamadda iyo mar kale. Robinho ayaa hadda u ciyaara kooxda Atletico Mineiro ee ka dhisan dalka Brazil.

Ciyaaryahanka dunida ugu qaalisan ee Neymar JR ayaa si xigmadaysan u sheegay in uu ku faraxsan yahay noloshiisa iyo kooxdiisa cusub PSG. Hadalka ayaa yimid kadib markii ay dhawaan soo baxeen warar sheegaya in Neymar laga yaabo in uu dib ugu laabto kooxda Real Madrid.

Waa mar kale iyo Saaka & Xubintii Ciyaaraha iyo Cabdiraxmaan Yameni oo ku sugan xarunta Daljir Bossaso. Yaa badiyey, yaa laga badiyey, maxaa se ka cusub naadiyada ciyaaraha adduunka? Halkan kaga bogo oo hoos ka dhegayso warbixintii koobnayd ee Yamani iyo Saaka & Xubintii Ciyaaraha!

Hoos ka dhegayso xubintii ciyaaraha oo faahfaahsan.

           

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: