Reysalwasaarihii Italy Mr Silvio Berlusconi oo maantay iscasilay

Roma, Nov, 13 – Reysalwasaarihii dalka dalka Talyaaniga Mr Silvio Berlusconi ayaa iscasilay, kaddib markii uu muddo 17 sano ah hor-boodayey siyaasadda dalkaasi Talyaaniga.

Mr Berlusconi, waxana uu warqadiisa iscasilaada u gud-biyey madaxweynaha Jamhuuriyadda Giorgio Napolitano oo isaguna ka aqbalay iscasilaadiisa.

Iscasilaada Berlusconi ayaa timid, kaddib markii shalay-toole aqalka hoose ee baarlamanka Talyaanigu ay meel-mariyeen qorshaha gunti-giijiska ee looga arrinsanaayo dhaqaalaha dalkaasi Talyaaniga.

Dalka Italy ayaa lagu wadaa in xukuumad cusub oo aqoonyahanno ka kooban uu soo dhiso nin madax ka haanjiray midowga Europe oo lagu magcaabo Mario Monti, laakiin waxa uu waajahayaa mucaaradnimo kaga imanaysa xukuumada imika awooda bannayneysa.

Wararka ay qorayaal wakaaladaha wararka Italy ayaa ku waramaya in maantay oo Axada boqolaal qof oo mudaharaadayaal ah ay isu soo baxeen afaafka hore ee qasriga madaxtooyada dalkaasi Italy, waxana dadkaasi ay ku qaylinayeen reysalwasaaraha.

Diiwaanka Wararka
Radio Daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com