Reysal Wasaare Gaas oo dib ugu laabtay Muqdisho.

Mogadishu,Feb 7 -Raysal wasaaraha xukuumadda KMG Soomaaliya Dr C/weli Maxamed Cali “Gaas” ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

Raysal wasaaraha ayaa waxaa kusoo dhoweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho masuuliyiin ka tirsan golihiisa xukuumadda.

Isagoo ka hadlayay shir saxaafadeed uu ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay kulamo inuu dalka Talyaaniga uu kula soo qaatay masuuliyiinta wadankaasi oo uu kala soo hadlay xiriirka labada dal islamar ahaantana uu shirar kale duwan uga qaybgalay dalalka Jabuuti iyo Kenya,waxaana mar kale uu beeniyay wararka sheegaya shirka London in maxmiyad lagu galin doono dalka.

Raysal wasaare Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa todobaadyadii ugu dambeeyay safaro ku marayay dalalka Talyaaniga,Kenya iyo Jabuuti oo uu kaga soo qaybgay shirkii ICG ee shalay dalka Jabuuti lagu soo gabagabeeyay.

Diiwaanka Wararka
Daljir Boosaso.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com