Maxamed bin Nayef (MbN) oo ahaa dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya isla markaasna ahaa wasiirka tunka weyn ee arrimaha gudaha, ammaanka, iyo ladagaallanka argagixisada ayaa Boqor Salmaan uu 29kii Juun ka xayuubiyey dhammaan xilalkii uu hayey, kuna wareejiyey wiilkiisa uu wiilashiisa ugu jecelyahay, Maxamed bin Salmaan (MbS). Xilwareejinta ayaa loo arkay afgambi aan marnaba horay loo saadaalin (arag qoraalka hoose ee Radio Daljir).
Warar hadda i soo taraya ayaa sheegaya in MbS uu Maxamed bin Nayef ku riday xabsi-guri, gurigiisa weyn ee ku yaal xeebta Jidda.
Maxamed bin Nayef waa 57 jir, waxaana lagu tirayaa ragga ugu khibrad dheer siyaasiyiinta Sacuudiga, meesha Maxamed bin Salmaan uu yahay 31 jir, waxaana 23kii Janaayo 2015 loo magaacabay Wasiirka Difaaca.
Aabihi, Boqor Salmaan bin Cabdulcasiis al Sacuud, wuxuu talada dalka la wareegay 23 Janaayo 2015 kaddib geeridii Boqor Cabdullah bin Cabdulasis Al Sacuud (1 Agoosto 1924 – 23 Janaayo 2015).
Dadka falaanqeeya siyaasadda Sacuudiga ayaa xabsi-guriga MBN ku macneeyey baqdin laga qabo qaar golayaasha boqortooyada Sacuudiga oo aan raalli ka ahayn isbaddalka dhakhsaha badan iyo latashi la’aanta dallacsiinta MbS. Sidaas darteed in Maxamed bin Nayef badanaa la arko waxay keeni kartaa xasaradda taagan oo sii xumaata, iyo dadka aan Maxamed bin Salmaan raaliga ka ahayn oo sii kordha.
Sidoo kale waxay muujinaysaa in Maxamed bin Salmaan uusan rabin, raalina ka ahayn cid kasta oo muran ka keeni karta awooddiisa, ama loo arki karo kuwo uga mudan jagada Amiirnimada.
Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Maxamed bin Nayef.
Waxaa kale oo xabsi-guri ku jira, in ay safartana loo diiday, gabadha uu dhalay Maxamed bin Nayef.
Warar kale ayaa waxay sheegayaan in markii uu MbN ku soo laabtay gurigiisa xeebta Jidda uu ka waayey dhammaan askartii uu aaminsanaa ee la soo shaqeeyey, naftiisana uu ku aamini jiray. Dhammaan waardiyayaashiisii waxaa badalay kuwo cusub oo uusan midkoodna aqoon qofeed u lahayn.
Siyasadda iyo isbaddalka mugga weyn ee dhex ka taagan gudaha Sacuudiga ayaa loo aanaynayaa jaahwareerka ka taagan dagaalka khasaaraha badan ee Yemen iyo kan khilaafka Sacuudiga iyo dawladda Qadar.
Faahfaahin iyo falaanqayn dheeraad ah ee isbadalka Sacuudiga iyo siyaasadda Sacuudiga arag maqaalka hoose.
Radio Daljir
Reer Sacuudi oo is Afgambiyey iyo Saadaasha Fog ee Sacuudiga
U Jawaab Garaad Faysal Jaamac Buri halceliska