Site icon Radio Daljir

Reer Guuraagii ugu Badnaa oo Buux Dhaafiyey Deegaanka Sallax (dhegayso)

Qoysas reer guuraa oo ku kala sugnaa deegaanada kala ah Tawfiiq, Godobjiiran iyo Jarriiban ayaa usoo hayaamay deegaanka Sallax ee hoostagta Degmada Jariiban ee Gobolka Mudug. Dadkaan oo ay saamaysay abaarti ku dhufatay Soomaaliya ayaa raadinaya baad iyo biyo.

Gudoomiye ku xigeenka deeganka sallax Cabdiraxmaan Axmed Yusuf oo Radio Daljir La soo xiriiray ayaa u sheegay in reer guuraagaasi ay culaysku hayaan deegaanka Sallax.  Wuxuu sheegay in aysan lahayn deegaanka Sallax ceel biyood marka laga reebo baraagaha biyaha lagu kaydio.

DHEGAYSO

https://zeno-devlab.s3.amazonaws.com/media/49193/594a378602010029803583a1/Gudoomiye+ku+xigeenka+deeganka+sallax+Cabdiraxmaan+Axmed+Yusuf.mp3?_=1
Exit mobile version