Raysul-wasaaraha Somalia oo Shacabka Soomaaliyeed ugu Hambalyeey Munaasabadda Ciidda

Jimco, Luuliyo 17, 2015 (Daljir) —Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Sharmarke ayaa farriin hambalyo ah oo ku aadan munaasibadda Ciida u diray shacabka Soomaaliyeed ee dalka iyo dibada ku nool.

Sharmarke ayaa umadda Islaamka ah u rajeeyay ciidaan ciideeda kale in nabadgalyo iyo midnimadda Soomaalida isku soo dhowaato.

Waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay in waajibaadka bisha Ramadaan si wanagsan ugu soo dhammaaday dadka Soomaaliyeed.

Madaxwaynaha DF Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa shacabka u rajeeyay sanadka danbe nolal ka wanaagsan tan maanta lagu jiro.

Madaxwaynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaanka ayaa farxada ciida la wadaagay dadka Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka uu madaxda u yahay ee Jubbaland wuxuna u rajeeyay horumar iyo kala danbeyn.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com