Site icon Radio Daljir

Raysal Wasaare Xasan Cali Khayre oo wasiirka arrimaha dibadda Sacuudiga la kulmay

Raysal wasaaraha dowladda faderaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa kula kulmay magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaasi.

Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska raysal wasaaraha ayaa lagu sheegay in kulanku horudhac u yihiin kulan uu raysal wasaaruhu la yeelan doono madaxda sare ee boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Sacuudi Carabiya ayaa ka mid ah dowladaha xiriirka la leh Soomaaliya, iyadoona dad badan ay rumaysanyihiin inay door wanaagsan ka qaadan arrimaha dib u dhiska Soomaaliya.

Exit mobile version