Raysal wasaaraha New Zealand oo sheegtay inay sharciga hubka badalayaan, kadib weerarkii muslimiinta lagu qaaday

Raysal wasaaraha New Zealand oo sheegtay inay sharciga hubka badalayaan, kadib weerarkii muslimiinta lagu qaaday

Raysal wasaaraha dalka New Zealand ayaa sheegtay golaha xukuumadda ee dalkaasi inuu taageerayo qorshe isbadal loogu samaynayo sharciyada hubka ee dalkaasi, kadib weerarkii lagu qaaday laba masaajid oo ay ku geeriyoodeen 50- ruux.

Weerarka ayaa waxaa qaaday muwaadin u dhashay Australia oo 28- sano jir ah, kaasi ku eedaysan falkaasi.

Booliska ayaa sheegay ninka dilaaga ah inuu adeegsaday hub casri, kaasi oo ay militarigu adeegsadaan, si’ uu u gaysto weeraro dhimasho badan.

 

Dhacdadii Axaddii lasoo dhaafay ee lagu weeraray masaajidda ayaa horseedaysa isbadalo dhanka sharciyada hubka ayay sheegtay raysal wasaaraha NZ  Ms Ardern.

Iyadoo la hadlay warbaahinta kadib kulan ay la yeelatay golaha xukuumadda dalkaasi ayay sheegtay inay faahfaahin ka bixin doonto nooca isbadal 25 March, iyadoo toban beri gudahoodna la qaadi doono talaabooyin cusub.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com