Raysal Wasaaraha Lesotho oo lagu helay dilka xaaskiisa

Raysal Wasaaraha Lesotho oo lagu helay dilka xaaskiisa

Raysal Wasaaraha jasiiradda yar ee Lesotho’ Thomas Thabane, ayaa lagu helay in uu qeyb libaax leh ka qaatay dilka xaaskiisii hore.

Mr.Thomas Thabane, oo 80 sano jir ah, waxa uu hormuud ka ahaa dilka xaskiisii koowaad, waana la maxkamadeenayaa ayuu yiri” Lipolelo Thabane oo ah sarkaal ka tirsan boliiska Lesotho’.

Sidoo kale waxaa xakun lagu ridiyaa haweenayda lagu magacaabo Maesaiah Thabane, oo ah haweenaydii fulisay dilka, isla markaana ah xaaska labaad ee Raysal Wasaaraha jasiiradda yar ee Lesotho

Mr Thabane ayaa lagu wadaa in uu iska casilo xilka bisha July ee sanadkan 2020, kadib markii uu noqday qof da’ah.

Waa mas’uulkii ugu horeeyey ee Afrikaan ah ee lagu helo dilka qof ka mid ah qoyskiisa.

Haweenayda lagu magacaabo Lipolelo oo 58 sano jir ahayd ayaa la dilay sanadkii 2017, xili ay ku sugnayd goob laga dukaamaysto.

Xasan Heykal, Daljir Boosaaso.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com