Raysal Wasaaraha Itoobiya oo ku sugan Sacuudiga

Raysal Wasaaraha Itoobiya oo ku sugan Sacuudiga

Raysal wasaaraha cusub ee Itoobiya Axmed Abey oo socdaalkiisii ugu horeeyey uu ku tago dal ka baxsan Afrika ayaa gaaray booqrtooyada Sacuudiga Carabiya.

Sid ay sheegtay warbaahinta dowladda Itoobiya ay mamuusho EBC  oo soo xiganaysa afhayeenka wasaaradda arimaha dibadda , waxaa booqashan uu yimid, kadib casuumaad uu boqorka Sacuudiga Salman bin Abdulaziz Al Saudi uu soo gaarsiiyay raysal wasaaraha Itoobiya.

Abey ayaa kala hadli doona xiriirka labada dal, xoojinta diblumaasiyadda labada dhinac iyo arimaha dadka muhaajiriinta Itoobiya ka imaanaya.

Wasiirka Beeraha Itoobiya oo booqashadan qayb ka ah ayaa la kulmay maalgashadayaal u dhashay Sacuudiga iyo wasaaradda beeraha iyagoona isku fahmay inay xoogga saaraan ka faa’iidaysiga dhanka maalgashiga beeraha ee Itoobiya.

 

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com