Raysal wasaaraha Itoobiya Abey Axmed oo siwayn loogu soo dhoweeyey Eritrea

Raysal wasaaraha Itoobiya Dr Abey Axmed ayaa siwayn loogu soo dhoweeyey magaalada Asmara ee xarunta dalka Eriteriya oo uu ku tagay booqashadii u horaysay ee raysal wasaare kasocda Itoobiya uu dalkaasi ku tago inka badan labaatan sano.

Madaxwaynaha Eriteriya Asisas Afawerki ayaa Dr Abey kusoo dhoweeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Casmara.

Sidoo kalle waddooyinka ayaa waxaa buux dhaafiyay shacabka dalkaasi oo si heer sare ugu faraxsan booqashada raysal wasaaraha Itoobiya uu ku yimid dalkooda.

Labada dal ayaa waxaa ka dhaxaysay xiisad ku salaysan muranka dhanka xuduudaha, waxaana ay galaafatay nolosha kumanaan askarta iyo shacabka labada dal.

 


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com