Ray-sul wasaare Cumar Cabdirashid oo si aan loo kala harin loogu soo dhaweeyay Kismaayo

Talaado, May 26, 2015 (Daljir) — Raysal Wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa booqasho ku tegay magaalada Kismaayo xarunta maamulka Jubba, Waxaa garoonka ku soo dhaweeyey madaxweynaha Jubba, Wasiiro iyo shacabka Kismaayo.

Wafdiga Raysal wasaaraha waxaa ku waheliya xubno ka mid ah golaha hiisa wasiirada iyo xildhibaano, waxaana ka mid ah Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Cabdiraxmaan Odawaa, Wasiirka Arrimaha Diinta iyo Awqaafta Cabdulqaadir Baqdaadi, Wasiirka Gaadiidka Iyo Duulista Hawada Dowladda Federaalka Soomaaliya Cali Axmed Jaamac Jangeli iyo Wasiirka Boostada Guuleed Xuseen Qaasim.

Wafdiga Raysal wasaaraha ayaa loo gudbiyey xarunta Madaxtooyada oo ay shir ku dhexmarayo madaxda federaalka iyo madaxda maamulka Jubba lamana oga waxa ay kawada hadlayaan.

Safarka Raysalwasaaraha ayaa la xiriira sidii loo dejin lahaa xiisadda ka dhalatey Mooshin Baarlamaanka Federaalku ka doodey oo ka dhan ah Baarlamaanka Jubaland, taas oo Madaxweyne Axmed Madoobe si weyn uga caroodeykuna goodiyey in ay qaadayaan tallaabo adag.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe  ayaa saxaafadda u sheegey in ay si weyn u soo dhaweynayaan booqashada raysalwasaaraha oo uu ku tilmaamey in u lafdhabar u ahaa dhismihii maamulka Jubaland.

Dhanka Kale raysalasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa dhankiisa saxaafadda u sheegay in uu doonayo  kulamada uu la yeelanayo jubaland ay ku dhamaadaan is-faham iyo wanaag, waxaana uu ku sugnaan doonaa Kismaayo tan iyo maalinta barri ah.

By: Maxamed Dacar

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com