Ra’isul Wasaare Rooble oo ka hadlay maalinta Xorriyadda Saxaafada Adduunka

Ra’isul Wasaare Rooble oo ka hadlay maalinta Xorriyadda Saxaafada Adduunka

Munaasabadda Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Adduunka Awgeed, waxaan hambalyo u dirayaa dhammaan saxafiyiinta Soomaaliyeed.

Waxaan ku ammaanayaa ugana mahadcelinayaa suxafiyiinta Soomaaliyeed geesinimada iyo sida ay ugu dhabar adaygeen in ay dalkooda u adeegaan dadkoodana xog siiyaan, iyagoo sanado badan ku shaqeynayay duruufo aad u adag una khatar badan.

Xukuumaddeydu waxa ay ka shaqeyneysaa in la sii horumariyo jawi ku habboon oo ay saxafiyiintu howlahooda ugu gudan karaan sida ugu wanaagsan iyo in ay helaan xogaha warbaahineed ee ay dowladda uga baahan yihiin.

Waxaa naga go’an in aan dhowrno bad-qabka saxafiyiinta iyo xogsiintooda ay xaqa u leeyihiin xilligan muhiimka ah ee dalkeennu galayo xaalad doorasho, taas oo saxafiyiintana saareysa mas’uuliyad dheeri ah iyo in ay bulshada u gudbiyaan macluumaad la hubo oo aan turxaan lahayn.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com