Ra’isul Wasaaraha Itoobiya oo ku dhawaaqay Golihiisa Wasiiradda

Ra’isul Wasaaraha Itoobiya oo ku dhawaaqay Golihiisa Wasiiradda

Gollaha wasiiradda cusub ee wadanka ethiopia oo uu maanta magacaabay R/wasaaraha  Abiye Ahmed ayaa  la dhaariyay.Golahiisa oo ka kooban 20 wasiir oo 10 ka mid ah ay Haween Yihiin.

Abiye Ahmed oo hadal kooban ka jeediyay munaasabadii dhaarinta Wasiirada, wuxuu ku tilmaamay tallaabada uu qaaday ee u kala bar kaga dhigay gollaha wasiiradda haween  ay tahay mid lagu dhiira gelinayo doorka Haweenku ay ku leeyihiin maamulka.

Wasaarada Gashaandhiga oo ah jago muhiim ah wuxuu u magacaabya haween lagu magacaabo  Ca’isha Mohamed Muse oo loo magacaabay Wasiirka Gaashaandhiga Ethiopia waana mid ku cusub Taariikhda dalkaasi.

Wasiirka maaliyadda Federaalka wuxuu u magacaabay Axmed Shido oo ah siyaasi ka soo jeeda qowmiyada Soomaalida Ethiopia.

Golaha shacabka dalkaasi ayaa maanta si aqlabiyad leh ku ansixiyay Xukuumadda cusub uu  R/wasaaruhu magacaabay.

Halkan hoose ka aqriso golaha wasiirada cusub ee dalka Ethiopia.

  • Wasiirka Nabadda — Mrs Mulietat Kamil
  • Wasiirka Gaashaandhigga —Aaliha Muhammad
  • Wasiirka Maaliyadda — Ahmed Shide
  • Wasiirka Arrimaha Dibadda — Dr. Geeljeex
  • Wasiirka Beeraha Mudane Cumar Xuseen
  • Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha – Mrs. Fetel Walte
  • Wasiirka Dhaqaalaha —– Mrs. Dawanne Herbie
  • Wasaaradda Waxbarashada iyo Tiknoolajiyadda — Dr. Getahun Mekuria
  • Wasiirka Gaadiidka —— Mrs. Dagmominthew Patrick
  • Wasiirka Horumarinta & dhismaha magaalooyinka —– Mr. Janet Braye
  • Wasiirka Biyaha, waraabka iyo warshadaha tamarta —– Sileshi Bekele
  • Wasiirka Waxbarashada —— Dr. Tilaye Gete
  • Wasiirka Macdanta iyo Tamarta —— Dr. Samuel Hurco
  • Sargaalka Golaha Guud —– Berhanu Tsegaye
  • Wasiirka Caafimaadka—— Dr. Amir Aman
  • Wasiirka Sayniska iyo Waxbarashada Sare: Mr. Hirut Woldemamar
  • Wasiirka Haweenka, Carruurta iyo Dhalinyarada, Mrs. Woizam Taye Asfaw
  • Wasiirka Shaqaalaha iyo Arimaha Bulshada Mr. Mulugeta Tesfaye
  • Wasiirka Dhaqanka Mudane—- Dr. Hirut Kassa
  • Guddoomiyaha Guddiga Qorsheynta iyo Horumarinta Fitsem Assefa

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com