Ra’isul-wasaaraha Ruushka oo ku dhawaaqay golihiisa Wasiiradda.

Ra’isul-wasaaraha  Ruushka oo ku dhawaaqay golihiisa Wasiiradda.

Ra’isul-wasaaraha cusub ee dalka Ruushka , Mikaa’iil Mishustin ayaa ku dhawaaqay Golihiisa Xukuumadda, ka dib markii dhawaan ay is casileen Golihii Xukumada dalkaasi.

Xukuumadda cusub ee Raashiya oo ka kooban 12 Wasiir waxaa Wasiiradii hore ee xilalkalaga qaaday lagu beddelay Wasiiro cusub oo da’dooda ka hooseyso 50-jir,halka kuwa kalana Xilalkoodii lagu soo celiyay.

Ra’iisul wasaaraha Cusub ee dalkaasi Mikaa’iil Mishustin ayaa xilalkooda u dhaafay Wasiirkii Arrimaha Dibedda, Sergeey Lafaroof ,Wasiirkii Difaaca, Sergey Shoygu, Wasiirkii Maaliyadda, Anton Siluanov iyo Wasiirkii Arrimaha Gudaha, Faladamiir Kolokoltsef.

Putin ayaa isku dayaya hab cusub oo uu u wajahyo maamulka dalkaas si uu madaxweyne u sii ahaado muddo dheer.

Madaxweyne Putin ayaa sida dastuurka uu dhigaya qorshuhu yahay in uu xilka ka dego sanadka 2024-ka, xilligaasi oo ay ku egtahay muddo xileedka afarta jeer ee uu tartamay, balse waxaa jira warar sheegaya in laga yaabo in uu markale doonayo in xil kale uu qabto, sababta dasturka uu u badelayana ay tahay sidaas.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com