Ra,isal wasaare shirdoon oo maamulka iyo waxgaradka Baydhabo kala hadlay dagaalka Al-shabaab.

Baydhabo, July 09- 2013 – Ra,isal wasaaraha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdulqaadir Faarax Shirdoon iyo xubnihii wefdigiisa ayaa weli ku sugan Baydhabo, xili ay kulamo xasaasi ah la qaateen, maamulka Dowlada ee gobolkaas, waxgaradka, saraakiisha AMISOM iyo qeybaha bulshada.

Wararka aan ka helyano Baydhabo waxay sheegayaan in ra,isal wasaare Shirdoon uu habeenimadii xalayto ahayd la kulmay dhinacyada kala gedisan ee maamulka, wuxuu Ra,isal wasaaruhu aad ugala hadlay maamulka gobolka iyo waxgaradka sidii loo soo afjari lahaa kooda Al-shabaaab.

Mudane Shirdoon wuxuu ugu baaaqay dadka ku sugan gobolkaasi Bay in ay ka shaqeeyaan amaanka, mar uu Ra,isal wasaaruhu waxgaradka kula kulmay Baydhabo wuxuu sheegay in loo baahan yahay in dowlada taageero ka hesho dhinacyada kala gedisan ee bulshada Bay, ?si waxyaabo badan horumar looga gaaro.

? AMISOM, ciidamada Dowlada iyo weliba kuwa Ethopia ee gobolka jooga waxaan idii sheegayaa aad bay muhiim u tahay in wakhtigan talaabo la qaado, howgalka Shabeel ee ka dhanka ah al-shabaab waxaan ka hir gelin doonaa gobolka Bay oo aan rabno in aan ka sifeyno xarakada? ayuu yiri Ra,isal wasaare Shirdoon.

Wasiirka gaashaandhiga ee xukuumada Soomaaliya Cabdixakiin xaaji Fiqi oo shalayto la hadlay warbaahinta caalamiga ah ayaa ?iftiimiyey in kulamadii horudhaca ahaa ee wefdigu ay la qaateen saraakiisha ciidamada qalabka sidda, aad ?diirada lagu saaray helista mushaarka iyo dayactirka ciidanka laamihiisa kala gedisan ee ku sugan gobolka Bay.

Kulamadii uu ra,isal wasaaruhu la qaatay dhinacyada bulshada iyo maamulka ee gobolka Bay ee shalayto ilaa xalay socday waxaa aad diirada loogu saaray amaanka, iy la dagaalanka kooxda al-shabaab oo ku sugan meelo badan oo ka tirsan gobolkaasi Bay, kulamada wefdiga ra,isal wasaaruhu la qaadanayo bulshada, ayaa sii socon doona maanta waxaana la filayaa ?in aad diirada loo saaro qorshaha Dowlada dhinaca horumarinta ee gobolkaasi.

?

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

?

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com