Ra’isal Wasaare Saacid oo gaarey magaalada Addis Ababa (Sawiro)

Addis ababa, April 5, 2013——-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Addis ababa ee xarunta dalka Itoobiya, iyaga oo ka soo kicitimay dalka Jabuuti oo muddo labo cisho ah ay booqasho ku joogeen.
?
Ra’iisal Wasaaraha ayaa waxaa safarkan ku wehliya Marwo Xildhibaan Caasha Xaaji Cilmi, Wasiirada Arrimaha Gudaha iyo Gaashaandhigga Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Faqi, Wasiir kuxigeenka ganacsiga Maxamed Cali Xaggaa iyo saraakiil ka tirsan xafiiska.
?
Wafdiga ayaa waxaa garoonka ku soo dhoweeyay Wasiirka Shaqada iyo arrimaha Bulshada Mudane Cabdifataax Sheekh Cabdullaahi iyo xubno kale, waxaana loo soo galbiyay hotelka Sheraton.
?
Ujeedada safarka ayaa ah sidii Ra’iisal Wasaaraha iyo wafdigiisu ay uga qeybgali lahaayeen dhismaha hay’adda loogu magac daray Ra’iisal Wasaarihii hore ee Itoobiya Meles Zenawi oo lagu ?magacaabo (Melese Foundation), waxaana munaasabadan lagu soo bandhigi doonaa waxqabadkii Meles Zenawi.
?
Booqashada Ra’iisal Wasaaraha oo qaadan doonta muddo labo cish oah ayaa waxaana la filayaa inuu kulamo kala duwan la qaato madaxda dalka Itoobiya iyo mas’uuliyiinta urur goboleedka IGAD.
?
Diiwaanka Wararka
Radio Daljir
(B)
?
\"\"
\"\"
\"\"
\"\"
?
\"\"
?
\"\"
?
\"\"
?
\"\"
\"\"
?
\"\"\"\"

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com