
Muqdisho, September 13, 2013 – Xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa balan-qaaday in ay wax ka yar 24-saac ku hir-gelinayso, ?qoddobada ka soo baxay shirkii xag-jirnimada iyo ku talax-taga diinta Islaamka ee ku soo dhamaaday magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.
Ra?isal wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa dhalinyarada ku jirta ururka Al-shabaab ugu baaqay in ay dib uga laabtaan go?aankooda, kaaas oo uu ku tilmaamay in uu yahay xag-jirnimo iyo wax aan diinta sal ku lahayn.
Mudane Shirdoon wuxuu sheegay in dowladdiisa ay gacan badbaado u fidinayso dhamaan dhalinyarada ku jirta Al-shabaab, hadii ay ka soo laabtaan go?aanka iyo fikrada qaldan ee ay ku howl-gelayaan isla markaasna bulshada ku dhibaateeyaan.
? Xukuumadu waxay ku hir-gelinaysaa go?aankaas wax ka yar 24 saac, shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan dhalinyarada waxaan ka codsanaynaa in ay hir-geliyaan oo qaataan qoddobada muhiimka u ah nolosha iyo horumarka dhalinyarada ee ka soo baxay culimada? ayuu yiri mudane Saacid.
Wuxuu sheegay ra?isal wasaaruhu in ay soo dhoweynayaan cid kasta oo ka soo baxda Al-shabaab iyo Al-Qaacida sida uu hadalka u dhigay, wuxuu mudane saacid ku amaanay culimada Soomaaliyeed in ay qaateen go?aan geesinimo leh.
?
Diiwaanka wararka
Radio Daljir
?
FAALLOOYIN & FALCELIN